Wasiirka
Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Soomaaliya oo la kulmay ardayda
Soomaaliyeed ee Pakistan
15 Janaayo
2011 (HOL)Kulankan oo uu soo qaban qaabiyey Ururka Guud Ee Ardayda
Soomaaliyeed Ee Pakistan (UGAS) ayaa waxaa uu iskugu jiray mid
soo dhaweyn ah iyo mid kala xog qaadasho ah. Kulankan, ayaa waxaa
si diiran loogu soo dhaweeyey wasiirka wasaaradda waxbarashada,
hiddaha iyo tacliinta sarre ee DKMG Soomaaliya, mudane Prof/Dr.
Cabdinur Sheekh Maxamed iyo waliba siihayaha safaaradda Soomaliya
ee Pakistan, mudane Cali Sheekh Cabdullaahi oo isna ka mid ahaa
marti sharafta kulankan.
Dagaalo
iyo Duqeymo Xalay Ka Dhacay Qeybo Ka Mid Ah Muqdisho
13 Janaayo
2011 Muqdisho, (Muwaddin): Fiidnimadii xalay ayaa dagaalo culus
oo ay bar bar socdeen duqeymo waxay ka dhaceen degmada boondheere
ee Magaalada Muqdisho kuwaasoo u dhexeeya ciidamada dowlada Somalia
oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta
Al-Shabaab, iyadoo faahfaahin dheeraad ahna ay kasoo baxeyso qasaaraha
ka dhashay dagaaladadii xalay.
Askari
Ka Tirsan Ciidamada Dowlada oo Isku Diley Manta Wadada Ex Koontorool
Afgoye
13 Janaayo
2011 Muqdisho, (Muwaddin): Wararka laga helayo isgoyska Ex Koontorool
Afgooye ayaa waxaa ay shegayaan in mid ka mid Ciidaada dowladda
ee ku sugan halkasi uu ku diley mid kale oo isla ciidamada dowlada
ka tirsan ka dib markii uu muran xogan ku dhexmarey.
Dowlad
Goboleedka Hiiraan State ee Soomaaliya oo Shaaca Ka Qaaday Barnaamijkeeda
Shaqo
13 Janaayo
2011 Muqdisho, (Muwaddin): War saxaafadeed maanta ka soo baxay
Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Hiran State
ee Soomaaliya oo uu ku saxiixnaa Ambassador C/qaadir C/lle Xooshow
ayaa waxaa shaaca looga qaaday qorshaha shaqo ee dowlad goboleedka
Hiiraan State ee Soomaaliya, waxaana War saxaafadeedku uu u qornaa
sidatan :
Taliyaha
AFRICOM oo Booqanaya Dalka Ugandha
12 Janaayo
2011 Muqdisho, (Muwaddin): Taliyaha ciidamada Mareykanka u qaabilsan
dalalka Afrika ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (AFRICOM) Janaral
William Ward ayaa ka degay magaalada Kampala ee dalka Uganda,
isagoona kulamo kala duwan la yeeshay madaxda wadankaasi oo ay
ka wadahadleen arrimaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada
AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga gudaha dalka Soomaaliya.
Dhageyso
Warka oo Maqal Ah
Shabaab
oo Hay'adaha u Diiday Inay Gar Gaaraan Dadka Tabaalaysan
12 Janaayo
2011 Muqdisho, (Muwaddin): Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa
diiday in ay fasaxaan Hay'adaha gar gaarka inay howlo samafal
ay gaarsiiyaan gobolada ay gacanta ku hayaan xili goboladaasi
ay ka jiraan abaaro baahsan.
Dhageyso
Warka oo Maqal Ah
Kooxo
Hubeysan oo Qabsaday Xarunta Dahab Shiil ee Muqdisho
11 Janaayo
2011 Muqdisho, (Muwaddin): Kooxo hubeysan ayaa maalinimadii shalay
gelinkii danbe waxay mudo kooban qabsadeen xarunta shirkada xawaalada
ee Dahab Shiil ee kutaala gudaha suuqa bakaaraha.
Dhageyso
Warka oo Maqal ah
Tarsan
oo Ka Hadlay Xaalada Magaalada Muqdisho
11 Janaayo
2011 Muqdisho, (Muwaddin): Gudoomaiya maamulka gobollka banaadir
maxamuud maxamad nuur (tarsan) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay
sanadkan xaalada magaalada muqdisho.
Dhageyso Warka
oo Maqal ah